Musharaxiinta Afhayeenka Barlamaanka Soomaaliya

0
237

[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2012/08/mushariinta.mp3]
Ilaa lix musharax  ayaa si horu dhac ah isugu soo taagey jagada Afhayeenka Baarlamaanka, iyadoo lagu wado in 26-ka bishan ay dhacdo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen.
Musharaxiintan oo ahaa siyaasiyiin horay uga soo mid noqday Xukuumadihii hore ayaa xilligan diyaar u ah tartanka loogu jiro xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Musharaxiintan ayaa waxaa ka mid ah

  1. Maxamed Rashiid Sheikh Maxamed Sh. Daahir – Beelaha Digil iyo Mirifle
  2. Maxamed Cismaan Jawaare – Beelaha Digil iyo Mirifle
  3. C/risaaq Cismaan Juriile – Beelaha Daarood
  4. Cali Khaliif Galeyr – Beelaha Daarood
  5. Mustaf Dhuxulow – Beelaha Hawiye
  6. Cabdi Xaashi Cabdullahi – Isaaq – Dir
  • Maxamed Rashiid Sheikh Daahir, oo horey u ahaa Xisaabiyahii Guud ee Dowlada, xilal hore ka soo qabtey dowladii hore ayaa ka mid ah barlamaanka cusub ee ka soo jeeda beelaha Digil iyo Mirifle taageero ku leh barlamaanka cusub.
  • Cali Khaliif Galeyr oo horay u soo noqday Ra’iisul Wasaare, haatanse ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka, ayaa olalihiisa waxaa ka qeyb ah Madaxweynaha haatan xilkiisu dhamaadey shariif Sheikh Axmed.
  •  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo ahaa Gudoomiyihii Gudiga madax banaan ee Dastuurka, isagoo lagu tiriyo mid ka mid ah 2da qof ee madaxweyne Shariif Sheekh Axmed doonaayo iney ku soo baxaan.
  • C/risaaq Jurile oo ah siyaasi saaxiib dhow la ah shariif Xasan Sheikh
  • Cabdi Cabdulaahi Xaashi oo horay u soo noqday Maareeyihii Golihii Murtida iyo madadaalada ee National Theatre.

Inkastoo qaabka awood qeybsiga iyo sida looga bartay cida isku soo sharaxeysa Gudoomiyaha Baarlamaanka ay sanadihii u dambeeyay aheyd mid Beelaha Digil iyo Mirifle ay isugu soo taagayeen xilkaas, ayaa hadana waxaa uu markan Tartanka saddex Mas’uul ugu sareysa dalka uu noqday mid furan oo beelaha ay u kala xusul duubayaan.
Labada Musharax ee kala ah Cali Khaliif Galeyr iyo Jurile waxay ka soo jeedaan beesha Daarood, waxaana hadii ay guuleystaan ay dhaawici doontaa rajada Madaxtinimada ama Ra’iisul wasaare ka qabaan Beesha Daarood inay helaan.

Sidoo kale Maxamed Maxamed Rashiid Sheekh Daahir oo ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ayaa hada la saadaalinayaa inuu yahay ninka loo badinayo jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu ku guuleysanayo, waxaana hadii taasi dhacdo uu noqon doontaa mid meesha ka saareysa rajada Shariif Xasan ka qabo jagada Madaxweynenimo oo uu haatan u hanqal-taagayo.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka soo jeeda Beesha Isaaq/Dir, waxaa uu horay ula tartamayay Shariif Xasan markii labaad oo loo dooranayay Gudoomiyaha Baarlamaanka sanadkii 2010, doorashadii ka dhacday xarunta Golaha Shacabka.

Waxaa suura gal ah inay saacadaha soo socda ku soo biiraan musharxiin hor leh oo laga yaabo inay ka yimaadaan beelo kale, waxaana hada la calaamadeynaya in musharax ka soo jeeda Beesha Hawiye uu ku soo biirayo musharaxiinta haatan shaacisay hankooda ku wajahan jagada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaa la dhowrayaa maalmaha kooban ee soo socda in la kala ogaado cida sida rasmiga ah ugu guuleysan karta tartanka jagada Afhayeenka barlamaanka oo si adag uga socda  Magaalada Muqdisho.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com