Idale News ONline (INO) – Warsaxaafadeedkii ugu dambeeyay ee ay Beesha Caalamku kasoo saartay doorashooyinka Soomaaliya ayaa si adag looga digay in ka weecashada hanaankii sharci ee lagu heshiiyay iney doorashooyinka 2016 ay ku qabsoomaan ay keeni doonto in Beesha Caalamku ka fiirsadaan taagaaradda ay siinayaan Dowladda Federaalka ee la doonayo iney bedesho tan uu waqtigeedu dhamaaday, maadaama ay soo if-baxday in hogaanka dowladaasi ay si cad u jebiyeen sharciyadii loo marayay hanaanka doorashooyinka Soomaaliya iyo weliba balanqaadkii adkaa ee ay horey u bixiyeen ee ahaa in guddiyada doorashooyinka dalka ay howshooda u gudan doonaan si madax-banaan iyagoo raacaya nidaamkii lagu heshiiyay ee lagu xaqiijin lahaa in doorashooyinku noqdaan kuwo xalaal ah.
Wakiilada Beesha Caalamka oo ka kooban Q/Midooday (UN), Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub (EU), Urur-goboleedka IGAD, Belgium, Talyaaniga, Netherlands (Holland), Sweden, Boqortooyada Ingiriinka (UK) iyo Dowladda Mareykanka waxa ay ku xad-gudubka hanaanka iyo sharcigii loogu talagalay doorashada 2016 ay si toos ah ugu eedeeyeen Madasha Hogaanka Qaran (MHQ), kuwaasi oo War-murtiyeedkii ay soo saareen 24-kii Bishan December ku go’aamiyay arrimo ka hor imaanaya sharciga doorashada sida in xubnaha Madashaasi ee madaxda ka ah dowlad-goboleedyada dalka awood loo siiyay in midkiiba uu seddex xubnood kusoo darsado xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka, halka uu Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaaday,
Xasan Shiikh Maxamuud uu yeelanayo saxiixa ansixinta 18-ka xubnood ee ay Madashu si aan sharci doorashada waafaqsaneyn isugu raacday in lagu kordhiyo Aqalka Sare ee Soomaaliya, maadaama ay Beesha Caalamku ogeyd in horey loogu heshiiyay iney noqdaan 54 xubnood, balse haatan u muuqata xubno kordhintaasi mid ku takrifal awoodeed ah oo si gaar ah loogu daneynayo Musharixiinta Madaxweyne ee ka midka ah Madasha Hogaanka Qaran (MHQ) , sida hogaamiyaha Madashaasi, Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cumar Cabdirashiid iyo weliba Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Arrinta kale ee ay beesha Caalamku walaaca ka muujisay ayaa aheyd sida ay xubnaha Madasha Qaran ugu bareereen iney awooda kala wareegaan guddiyadii doorashooyinka dalka, islamarkaana ay nidaamkii doorashada ku bedeleen hanaan cusub oo magacaabis ah oo xubnihii la doono lagu soo darsan karo labada Aqal ee Baarlamaanka, tiiyoo ay sidoo kale jebiyeen go’aanadii ay guddiga doorashada heer Qaran iyo midka xalinta Khilaafaadku ay ku laaleen 11 xubnood oo ka mid noqon lahaa Aqalka Hoose ee Baarlamaanka kadib markii ay ku cadaatay dacwado la xariiray is-daba marin liisaskii ergooyinka, ku takrifal awoodeed oo qoondadii haweenka rag loogu bedelay, beelo kuraastoodii la duudsiiyay iyo codad lagu iibsaday lacag.
Waxaana arrin aad loola yaabo noqotay in xubnaha Madashu ay si cad u dhiirigeliyeen musuq-maasuqa iyo in aanu sharcigu shaqeynin mar haddii kulankoodii ugu dambeeyay ay ku shaaciyeen iney cafiyeen 7 ka mid ah 11-kii kursi ee guddiga xalinta khilaafaadku laaleen, taasi badalkeedana ay 18 kursi oo jeebkooda ah kusoo darsadaan xubnaha Aqalka Sare, halka ay Beesha Caalamku horey su’aalo uga keentay qaabka 24 kursi oo dacwado ay ka taagnaayeen looga soo reebay illaa 11 kursi.
Su’aasha kale ee iminka la is weydiinayo ayaa ah sababta ay musharixiin u taagan xilka Madaxweyne ee Soomaaliya oo weliba xubno ka ah Madasha Hogaanka Qaran ay isugu raaci karaan ku tumashada shuruucdii doorashada dalka ee horseedi karta iney Soomaaliya ku weydo taageeradii Beesha Caalamka?. Laga yaabee in dadka qaarkood ay durbadiiba maskaxdoodu kusoo dhacdo in Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha uu waqtigoodu dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud iyo Cumar Cabdirashiid oo hal doon wada saarnaa ay horeyba raali isaga ahaayeen musuq-maasuqii baahsanaa iyo ku tumashada sharciga ee la degay dowladda Federaalka mudadii ay soo wada-shaqeynayeen, laakiin iminka miyaaney weji-gabax iyo ceeb ku noqoneyn iney weli ku dhiiran karaan iney soo hor istaagaan shacabka Soomaaliyeed iyo xildhibaanada dooranaya iyagoo u sheegaya in masiirka Soomaaliya lagu aamino, mise waxa ay ku talo-galsan yihiin iney mar kale madax ku noqon karaan hantida Qaran ee lagu lunsaday magaca Dowladda, islamarkaana ay dadku xaley dhaley kasoo qaadayaan arrimihii ay ku kaceen iyo kuwa ay iminka hormuudka u yihiin ee ay beesha caalamku ka digeyso iney kaga fiirsaneyso taageerada Dowladda Federaalka?
Marka laga reebo lix ka mid ah Musharixiinta u taagan xilka Madaxweyne ee kala ah; Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdulqaadir Cosoble Cali, Jibriil Ibraahim Cabdulle, Saciid Cabdullaahi Diini, Maxamuud Nuur Tarzan iyo Maxamed Cali Ameeriko, maxay musharixiinta kale ee tartanka madaxweyne ku jirta uga gaabsadeen iney ka hadlaan arrimaha sharci-darida ah ee ay ku kaceen xubnaha Madasha oo ay ku jiraan ragga ay doonayaan iney kula tartamaan xilka Madaxweyne ee doorashada soo socota, miyaan loo qaadan Karin in aamusnaantoodu ay ka dhigan tahay arrimaha ay madaxda Madashu ku kacayaan aaney kuleyl iyo qaboow midna ku haaynin amaba aaney dhab ka aheyn Musharaxnimadooda, balse ay isbaheysi siyaasadeed kula jiraan Xasan Shiikh Maxamuud, Cumar Cabdirashiid iyo Shariif Xasan taasoo keeni karta in haddii ay ka hadlaan ay ku waayi karaan danaha siyaasadeed ee ay raggaani ka leeyihiin?
W/Q: Xassan Maxamud Shiino