Musharax miisaan culus oo Madaxweyne Xasan Sheekh kusoo baxay iyo walaac soo food saaray 2016-ka

0
578

Muqdisho(INO)_ Musharax culus oo mug weyn ku leh xaaladda Soomaaliya, isla markaana ay isku jufo yihiin Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo shaac baxaya iyadoo halis weyn ay dareemeen kooxda Madaxweyne Xasan Sheekh tageeerta ee Damjadiid.

Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ah madaxda Hay’adda CRD (Center foaasr Research and Dialogue) oo mattaano la ah Hay’adda Mareykanka ee WSP (War-torn Societies Project International ), isla markaana mashaariic kala duwan ka fuliyay dalka Soomaaliya, kuna lug lahaa dhismaha maamulada dalka iyo xalinta khilaafaadka Koonfurta Soomaaliya ayaa la sheegay inuu u sharxan yahay jagada madaxweynaha Soomaaliya doorashada 2016.

Jabriil oo ay hore u soo wada shaqeeyeen Xasan Sheekh, isla markaana saaxiibo dhow la ah Mareykanka iyo Beesha caalamka ayaa la sheegay in musharaxnimadiisa ay naxdin weyn ku noqotay Xasan Sheekh oo doonaya inuu mar kale xilka ku soo noqdo.

Xasan Sheekh Maxamed iyo Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sidoo kale isku jufo ah, taasoo sii kala qeybinaysa awoodii Beesha, waxaana la sheegay in kooxda taageersan Xasan Sheekh ay dadaal ugu jiraan inay cadaadis saaraan Jabriil si uusan isu sharxin.

Doorashada madaxtinimo ee 2016 ayaa u muuqata inay noqon doonto mid si culus loogu loolamo oo ka xoog badan kuwii hore marka la eego liiska musharixiinta iyo qaabka doorashada oo laba aqal Baarlamaan noqonaya.

Idale News Online, Muqdisho