Musharax Cumar Cabdirashiid oo soo dhaweeyey barnaamijka dooda Musharixiinta

0
176

Muqdisho(INO)- Musharixiinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa maanta isu diyaarinaya in ay hor yimaadaan barnaamij lagu sheegay dood u dhexeysa Musharixiinta kaas oo hadda wax laga bedalay qaabka loo qabanaayo.

Musharixiinta ayaa  ayaa midkasta la weydiinayaa su’aalo ku saabsan sababta lagu dooran karo, waxqabadkiisa iyo  in uu u hoggaansamaayo natiijada doorashada.

Cumar Cabdirashiid oo kamid ah musharixiinta sida weyn loo hadal hayo  in ay ku guulesan karaan doorashada 2017 ayaa kamid ah Musharixiinta maanta ka qayb-qaadanaya doodda, waxaana uu warsidaha Horseed u sheegay in tani tahay weji cusub oo ay gashey dimoqraadiyadda Soomaaliya uuna soo dhaweynaayo, inkasta oo uu sheegay in waqtigu yahay mid kooban haddana ay tahay bilow wanaagsan.

Barnaamijka dooda ayaa wax badan iska bedeleen, waxay ahayd in si toos ah warbaahinta la iska arko ama la dhegaysto looga baahiyo taas oo aan maanta dhicin, cilado ku timid Internetka magaalada Muqdisho.

Wararka soo gaaraya warsidaha Horseed ayaa sheegaya in qaar kamid ah musharixiintu ay ka cudur-daarteen ama diideen in ay hortagaan barnaamijka su’aalaha lagu weydiinayo waxaana kamid ah musharixiintaas Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xujo ku xirey guddiga barnaamijka.

Su’aalaha iyo dooda ayaa lagu wadaa in dib looga daawado Warbaahinta gelinka danbe ee maanta, marka ay soo dhamaato su’aalaha iyo barnaamijku.