Muqdisho(INO)- Hadal ka soo baxay Xafiiska Ololaha Doorashadda ee Murashax Madaxweyne Caddow Cali Gees ayaa lagu beeniyey wararka sheegaya inuu Murashaxaasi heshiis la gaaray Murshax Xasan Sheekh Maxamuud iyo inuu ka tanaasuli doono Tartanka Doorashadda Madaxtinimadda Somalia.
Afhayeenka Xafiiska u ololeynaya Murashax Madaxweyne Caddow Cali Gees oo la hadlay Warbaahinta ayaa gaashaanka ku dhuftay arrintaasi, oo ay qaar ka mid ah Saxaafadda qoreen inay ilo ku sugan Villa Somalia ka soo xigteen inuu Murashax Caddow Cali Gees u tanaasuli doono Murashax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku hayb yihiin.
“Marnaba lagama yaabo inuu Murashax Caddow Cali Gees u tanaasulo Murashax Xasan Sheekh Maxamuud, waxna kama jiraan inay ka wada hadaleen qoddobkaasi” ayuu yiri Afhayeenkaasi, oo intaasi sii raaciyey in Shaqsiyaadka u ololeynaya Murashax Xasan Sheekh faafiyeen Borobogaandadaasi.
Dhinaca kale, Murashax Madaxweyne Caddow Cali Gees ayaa la saadaalinayaa inuu rajo xooggan ka qabo xilka Madaxweynaha JFS, waana Siyaasi galaangal badan oo saaxiibo badan ku dhex leh Labada Aqal ee BFS, isagoo muddo dheer ahaa Mudane ka tirsan BFS.