Muran Ka taagan Magacaabista Wasiir ku xigeenka Arr. Dibada Jamaal Barrow & Suldaanka Beesha Jiido oo sheegay in Jamaal Barow beeshiisa uusan u dhalan

0
241

Suldaanka Beesha Jiido, Suldaan Warsame Caliyow Ibrow ka mid ahaa 135 xubnood ee soo xuley xubnaha barlamaanka ee lagu dhisay dowlada federaalka Soomaaliya ayaa si aad ah uga hor yimid magacaabista Wasiir ku xigeenka wasaarada Arrimaha Dibada Jamaal Axmed Baroow.

JamalBarow2

Suldaanka ayaa ku sheegey in Jamaal Axmed Baroow uu ka soo jeedo Beesha Biyamaal oo tirsan beesha Direed, halka wararka qaarkiisna ay sheegayaan inuu ka soo jeedo beesha Jareerweyne. Muranka ka taagan magacaabista wasiirka ayaa cirka isku shareerey ka dib markii uu Suldaanka Beesha Jiido Suldaan Warsame Caliyow Ibrow uu dacwad ka dhan ah xubintaas lagu sheegey in ay beeshiisa ka soo jeedo tahay meel ka dhac iyo wax ay beesha uu isagu suldaanku u yahay aysan ogolaan doonin in magacooda ku matalo awooda qeybsiga ay dowlada federaalku ku dhisan tahay.

Dhageyso Wareysiga wareysiga suldaanka uu kaga waramaayo dooda arrintaas ka taagan

Idale News Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here