muqdisho:Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Federalka Labada Aqal oo maanta furmaya

0
200

Waxaa maanta la filayaa inuu furmo Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya, kaasoo labadii bilood ee la soo dhaafay fasax ku maqnaa.

Munaasabadda furitaanka kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa ka dhici doona Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye.

Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka ayaa horay loo shaaciyay inuu furmi doono 10-ka September oo maanta oo Isniin ku beegan, waxaana tan iyo xalay uu Guddoonka Golaha Shacabka uu waday qaban qaabada la xiriirta furitaanka munaasabadda.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa furi doona kalfadhiga Baarlamaanka labada Aqal, waxaana uu ka jeedin doonaa khudbadiisa dastuuriga ee furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka.

Kalfadhiga 4aad ee Baarlamaanka ayaa waxaa horyaala ajandayaal dhowr ah, sida sharciyo ay horay u soo meel mariyeen Golaha Wasiirada iyo arrimo kale duwan oo la filanayo inay keenaan doodo culus.

Kalfadhigii 3aad ee la soo dhaafay ayaa ahaa kii ugu waqtiga yaraa ee ay kulmaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana kalfadhigaas ku bilowday mooshinkii Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jawaari oo markii dambe keenay inuu isku casilo.