Muqdisho:19 wasaaradood oo musuqmaasuq lagu cadeeyay

0
202

Muqdisho(INO)-Xeer ilaaliyaha qaranka oo maanta hortagay baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu musuqmaasuq ku eedeeyay wasaarado ka tirsan xukuumadii ay baarlamaanka kalsoonida kala laabteen ee C/welli Sheikh Axmed.

Xeer-ilaaliyaha-Qaranka1

Xeer ilaaliyaha qaranka Axmed Cali Daahir, oo ka hor hadlayay baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay iney jiraan wasaarado ka tirsan xukuumadii C/welli oo musuqmaasuq dhaqaale  iyo ku takrifal awoodoodeed, sida uu hadalka u dhigay.

Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari, gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa shir gudoominayay kulanka maanta ay yeesheen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, kulankana waxaa xaadiray xildhibaano 142 xildhibaan.

“inay jirto ku tagri fal awoodeed, baaris aan sameynay waxaan kusoo gabogabeynay 19 wasaaradood oo musuq ah iyo afar hayadood, dhamaantood mid anaaneyn kasugnaanin musuq baahay, ku tagrifal awoodaha oo baahay ma jirto”.ayuu yiri xeer ilaaliyaha qaranka.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay xeer ilaaliyaha qaranka inuu sameeyay adeegsiga awooda uusan laheyn.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here