Muqdisho(INO)-Inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa habeenadii dambe lagu arkayay dhalinyaro ku hubeysan Bastoolada iyo tooreeyo oo wata mootooyin aan horay loogu arag Magaalada Muqdisho.
Dhallinyaradan oo Al-Shabaab ka tirsan sida la sheegay ayaa falal dilal ah ka geysta Muqdisho, taasi oo walaac cusub abuurtay, xilli dowladda federaalka ay sugi la’dahay ammaanka.
Mid kamid ah kooxahan ayaa waxa ay falkaasi ka geystay Degmada Heliwaa ee Gobolka Banaadir, kadib markii ay gowraceen gabar da’yar oo ka ganacsata shaah.
Sidoo kale, dhacdo taa lamid ah ayaa waxa ay ka dhacday Degmada Howlwadaag gaar ahaan dhanka Suuqa-bakaaraha waxaana halkaasi si silac ah loogu dilay Laba wiil oo kamid ahaa dhalinyarada Degmada oo aan wax lug ah ku laheyn arrimaha siyaasadda.
Mudooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho kusoo badanaayay dhacdooyin fool xun oo ay geysanayaan dhalinyaro waxa ayna dhacdadaani ku cusub Magaalada Muqdisho ay qeyb ka noqoneysaa dhacdooyinkaasi.
Idale News Online, Muqdisho.