Dab xoog leh oo khasaare badan geytay ayaa ka bilowday garaash ku yaal meel u dhow isgoyka lambar 4 ee magaalada Muqdisho.
Dabkaan oo la aaminsan yahay inuu geystay khasaaro badan oo hantiyadeed ah ayaa ilaa hada wuxuu ka socda geerishka uu dabka ka kacay ee Isgoyska Km4.
Gaadiidka dab damiska ee gobolka Banaadir ayaa isugu tagay halkaasi kuwaasi oo isku dayaya inay dabka baqtiiyaan hayeeshe goobta oo ah mel shidaal ayaa dabka aad usii holcayaan.
Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in gaadiid yar yar oo noocada raaxada ah ay ku jiraan garaashka dhexdiisa waxaa sidoo kale lasoo sheegaya in garaashka ay ku dhexjiraan dad kuwaasi oo la’ meel ay ka baxaan.
Waxaa soo gaaray goobta uu dabku ka kacay ciidamo ka tirsan AMISOM iyadoo weli la wado dadaalo lagu doonayo in lagu damiyo dabka. Garaashka oo uu dabku ka kacay ayaa waxaa ku xareysnaa gaadiid faro badan oo badankood iib ahaa.
Idale News Online, Mogadishu