Muqdish: Madaxweyne Xasan oo furay shir looga hadlayo ammaanka.

0
185

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah furmay shir weyne qaran oo looga hadlayo amniga dalka.

Shirka oo ka furmay Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho waxaa soo qabanqaabisay wasaaradda amniga qaranka.

Furitaanka shirka waxaa ka qaybaglay wasiiro, xildhibaanno ka socda xukuumadda Soomaaliya, ergo tiradoodu ay gaarayso ilaa 500 oo qof oo ka kala yimid gudaha iyo dibadda dalka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qaranka iyo khuburo Soomaali ah.

Shirka oo socan doona mudo saddex maalmood ah ayaa looga gol leeyahay in wasaaradda amniga qaranka lagu siiyo talooyin ay ku wajahdo sugidda ammaanka dalka.

Wasaaradda amiga qaranka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay shirka ka soo bixi doonaan talooyin muhiim ah oo xal u noqda mushkiladda ammaan ee dalka.

Xasan-aa1

Idale News Online, Muqdisho.