Mudane Baarlamaanka ka tirsan Oo afka furtay kana hadlay xasuuqa Kenyana ee Gedo

0
215

Muqdisho(INO)- Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda gobolka Gedo ayaa si adag kaga hadlay duqeymaha diyaaradaha dagaalka Kenya ka geysteen gobolka Gedo oo dad rayid ah waxyeelo kasoo gaartay.

Duqeymaha ayaa yimid kadib markii shabaab ay weerar xoogan dhamaadka todobaadkii lasoo dhaafay ay ka geysteen deegaanka Ceel-cadde oo ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya, iyadoo Kenya ay duqeymahaasi jawaabo kaga dhigeysan weerarada Alshabaab.

Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay iney ka caroodeen talaabada Kenya ay ku laaysay dad rayid ah oo u badnaa xoolo dhaqato ku sugan gobolka Gedo kadib weerarkii deegaanka Ceel-cadde.

Odayaasha iyo waxgaradka iyagana meesha ka hadlay waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin in Kenyaatigu kala garan waayo shacabka iyo dagaalamayaasha alshabaab, maadaama dad badan oo aan waxba galab ku laayeen duleedka deegaanka Ceel Cadde.

Mid ka mid ah dadka meesha ka hadlay ayaa tusaale u soo qaatay in shacabka Gedoay badbaadiyeen askar Kenyati ah oo 30 ka sii badan kuwaasoo qaarkood dhaawac ahaayeen ilaa ay ku hagaan meelo ay ku amaan geli kareen sidaas daraadeedna looga baahnaa Kenya inay kala saarto shacabka iyo Alshabaab.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here