Mucaaradka Kenya oo si kulul u weeraray Dowladda, kuna eedeeyay fashil amni

0
244

Nairobi(INO)-Xisbiyada Mucaaradka ee dalka Kenya ayaa si adag u sheegay in Dowladda Kenya ay ku fashilantay Suggidda amniga dalka Kenya iyo muwaadiniinta dalkaasi u dhashay.

Khamiistii lasoo dhaafay ayaa Xoogaga Shabaab waxa ay weerar culus ku qaadeen Jaamacada Magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxa  ay halkaasi ku dileen dad gaaraya 147-ruux oo u badan ardayadii Jaamacada.

Sadexda nin ee ugu saraysa mucaaradka Kenya ee kala ah Raila Odinga,Moses Watengula iyo Kalonzo Musyoka ayaa soo jeediyay in ciidanka Kenya laga soo saaro gudaha Soomaaliya dawladuna ay la timaado istaraatijiyad cusub oo ay uga hortagayso weerarada Shabaab ee boqolaalka qof ee muwaadiniinta ah ku naf waayeen.

Waxa ay ku eedeeyeen Dowladda Kenya inay ku fashilantay Suggida amniga tan iyo markii Uhurru Kenyatta uu si rasmi ah ula wareegay xilka hogaanka dalka Kenya.

Waxay sheegayn in Kenya ay ku dayato Mareykanka oo ciidamadiisa ka soo saaray Somalia,Ciraaq,Afghanistan iyo wadamada kale ee xasaraduhu ka jiraan si uu ilaaliyo xuquuqda muwaadiniintiisa.

Moses Watengula ayaa isna soo jeediyay in miisaaniyada la siiyo ciidanka KDF 50% la jaro loona weeciyo wax ka qabashada amniga gudaha.

Kenya ayaa cadaadis kala kulmaysa Xisbiyada Mucaaradka, taasi oo ku aadan in ciidamadeeda ay kala soo baxdo gudaha dalka Soomaaliya.

Shabaab ayaa sheegay sababta Kenya ay u weerarayaan inay tahay in ciidamada Kenya laga saaro gudaha dalka Soomaaliya.

Idale News Online, Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here