Barlamaanka oo saaka u balansan inuu go’aan ka gaaro Mooshinka laga keenay Maamulka KMG ee Jubba

0
557

Muqdisho (INO) – Mudaneyaasha Baarlamaanka Dalka ayaa manta shir ku leh xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho iyagoo sida la filaayo u balansan in ay go’aan kama dambeys ah ka gaaraan dhismaha barlamaanka maamulka kmg ee Jubba oo qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku nool goboladaas ay cabasho ka keeneen sidii loo maareeyey soo xulista xubnaha xildhibaanada maamulkaas.

Teaser Image Mooshinka Kooxda Axmed Madoobe oo Maanta Go’aan laga Gaarayo

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dowlada dhexe  ayaa waxaa ay sheegeen in ay sharci daro tahay habraaca xulista xildhibaanada maamulka kmg Jubba, isla markaana waxay sheegeen in loo baahnaa in laga talo galiyo ka hor inta aan la hareermarin sharciga iyo dastuurka dalka u yaala.

Doodihii ay xildhibaanada ka yeesheen mooshinka laga keenay maamulka kng ee Jubba oo xildhibaanada ku kala aragti duwanaayeen iyo sidoo kale Wasiirka arrimaha gudaha oo isna ka cudur daartey inuu barlamaanka hor yimaado si uu xaalada gobolada uga warbixiyo ayaa waxaa muuqata in xildhibaanada ay doonaayaa in ay manta soo afjaraan mooshinkaasi. waxaana la filaayaa in guddoonka cod galiyo haddii la helo koramkii loo baahnaa.

Ammaanka Xarunta Golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo  la xiray wadada hor marta xarunta golaha shacabka, iyadoo ciidamo ka tirsan dowladda ay jidadka taagan yihiin, waxaana laga celinayaa dadka iyo gaadiidka isticmaala wadadaas

 Lama oga go’aanka uu barlamaanka Somalia ka qaadan doono arrintaan cakiran ee Jubooyinka iyo sida maamulka Jubba uu ugu qanci doono haddii  go’aan lid ku ah ka soo baxo xildhibaanada qaranka..

Idale News  Online -Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here