Mooshin Laga Keenay Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland

0
202

Muqdisho(INO)- Xildhibaanno ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland ayaa Mooshin ka keenay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi.

Xildhibaanadaan oo ku sugan Garowe ayaa ah kuwo Mucaarad ah oo ka soo horjeeda Xukumadda uu HogaamiyoMadaxweynahaPuntland C/wali Maxamed Cali.

Waxaa ay ku Eedeeyeen in Xukumadda C/wali Maxamed Cali  Gaas aysan wax badan qaban islamarkaana ay Waqtigeedii ku lumisay Waxyaabo aan Micno la heyn.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Maalmahaan Joogay Boosaaso ayaa Safar Deg Deg ah ku yimid Garowe si uu u Xaliyo Mooshinka ay ka wadaan Xildhibaanada qaar ee Puntland.