Mooshin ka dhan ah Saldhiga Milatari ee Imaaraatka ka dhisanayo Berbera oo maanta laga doodayo

0
188

Baydhabo(INO); Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo lagu wado in maanta kulan ku yeeshaan Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa ka doodi doona mooshin Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ka keeneen saldhiga milatari ee Dowlada Imaaraatka ka dhisaneyso Garoonka Berbera.

Ajandaha kulanka maanta ay yeelanayaan Xildhibaanada ayaa lagu soo daray mooshinkan ay mudo badan diyaarintiisa ku howlanaayeen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo horjeeda heshiiska Somaliland ku wareejineyso garoonka diyaaradaha Berbera.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa la filayaa in dood kulul ka yeeshaan Mooshinka lagu diidan yahay heshiiska Imaaraatka kula wareegayaan Dekada iyo garoonka Berbera , waxa ayna Xildhibaanada dooda kadib cod gacan taag u qaadi doonaan mooshinkaasi.

Baarlamaanka Soomaaliya hadii ay diidaan heshiiska Imaaraatka saldhiga Milatari uga furanayo Berbera ayaa laga yaabaa in uu sii xumeeyo xariirkii u dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraatka oo mudooyinkii ugu dambeeyay sii xumaanayay.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata mid aan raali ka aheyn qorshaha Imaaraatka Saldhiga milatari uga furanayo Soomaaliya gaar ahaan Berbera, waxa ayna dowlada horey uga digtay hergalinta saldhigaasi milatari.

 

Idale News Online,