Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Saacid oo la diyaariyey iyo Maalinta Arbacada oo barlamaanka lagu kala baxaayo

0
210

Mooshin ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa abaabulkiisa si xoog leh uga socdaa Madaxtooyada, Hotelada qaar ee Muqdisho iyo guryo ay degan yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Abaabulkan ayaa waxaa uu xalay ka bilowday Hoyga Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Mahad Axmed Cawad oo arrintan aad u wada, iyadoo in ka badan sodon xildhibaan ay wax ka saxiixeen.

Warar ay heleyso Jowhar.com ayaa sheegaya in abaabulkan ay qeyb ka yihiin Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaanad Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaana qorshayaal Xildhibaanada looga gedayo abaabulkan, balan-qaadyo loogu sameynayo ka socdaa Hotelada City Palace iyo Naasahablood 2.

Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Axmed Cawad ayaa arrintan door weyn ka ciyaaraya, isagoo doonaya in kulanka uga soo horeeyo ee mooshinka looga keenayo Ra’iisul Wasaaraha uu shir gudoominayo, maadaama dalka ay ka maqan yihiin Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo Gudoomiye kuxigeenka labaad Jeylaani Nuur Iikar oo kala aaday Itoobiya iyo Kuwait.

Wariyaha Jowhar.com ee Muqdisho oo maanta booqday Hoteladaas ayaa soo sheegaya in abaabulka si xoog leh u socdo, isla markaana Mudanayaasha si gaar gaar ah ay ula kulmayeen Gudiyo ololahan wada oo isugu jira Xildhibaano, siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan Madaxtooyada.

Sidoo kale waxaa uu abaabulkan ka socdaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo laga furay xafiis lagu diiwaan gelinayo Xildhibaanada halkaas ku sugan iyo xildhibaanada dibada ku maqan, iyadoo fariin SMS iyo Email loogu dirayo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in saacadihii u dambeeyay Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha uu galay xaalad mashquulo ah iyo kulamo is daba joog ah oo lagu kala jiidanayo Mudanayaasha baarlamaanka.

Qorshaha koowaad ayaa ah in todobaadkan gudihiis lagu kala baxo baarlamaanka, iyadoo labada mas’uul ee is haya ay u muuqdaan kuwo si aad ah ugu dagaalamaya taageerada Baarlamaanka dhexdiisa.

sacidVsHassan

Wararka qaar ayaa sheegaya in qorshaha labaad uu yahay in Baarlamaanka uu soo afjaro khilaafkan ka hor inta uusan dalka ku soo laaban Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari oo shir uga qeyb galaya dalka Kuwai

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari ayaa Khamiistii uga digay mudanayaasha baarlamaanka in aanay u ololeyn khilaafka iyo Madaxweynaha, isla markaana aanay warbaahinta ka hadlin, iyadoo ay muuqato in mudanayaasha aanay warkiisa dhag jalaq u siin.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa doonaya inay ku kala baxaan Baarlamaanka, kadib markii ay adkaatay in khilaafkood lagu dhameeyo sulux.

Guuxa ugu weyn ee Muqdisho ka socda ayaa waxaa uu yahay loolanka loogu jiro kasbashada Xildhibaanada, iyadoo aanay ka marneyn balan-qaadyo xilal iyo mid lacageed cidii guushu dhinac raacdo oo ay u sameyneyso midba midka kale ee taageerada raadsanaya.