Idalenews:-Mofarah uu kasoo jeedo soomali ayaa guul daro ku habsatay xile moha Farah, wuxuu ku dhameystay kaalinta labaad, kadib marki uu gaari waayey Muktar Edris oo ah orodyahan u dhashay dalka Ethiopia, kaasoo ku guuleystay billada dahabka, halka Mo Farah uu helay bilada qalinka.
Waa balladii ugu horreysay oo dahabi ah oo uu Mukhtar Edris oo ah 23 jir ku guuleysanayo abid.
Hadii uu Mohamed Farah badin lahaa waxay u ahaan laheyd markiisii shanaad oo xiriir ah oo uu ciyaaraha orodka tobanka kun iyo shanta kun ee mitir ku wada guuleysto hal tartan billada dahabka.
Todobaadki hore ayey aheyd marki uu qaaday billada dahabka ee orodka 10-ka kun ee mitir.
Waa marki labaad oo uu ku dhacay inuu qaado bilada dahbiga ah dhamaan tartamadi caalamiga ahaa ee uu ka qeybgalay Mo Farah tan iyo sanadki 2011-ki, Mudadaasi wuxuu urursaday 10 billadood oo dahab ah iyo laba billaad oo qalin ah.