Mo Farah oo ku baaqay in in loo gurmado Abaaraha ka jira Somalia

0
205

London(INO— Orodyahanka asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya Mo Farah ayaa ku baaqay in si deg deg ah loogu gurmado abaaraha ka jira Soomaaliya.

Muuqaal kooban oo laga sii daayay Telefishinada BBC, ITV, Channel 4 iyo Channel 5 ayuu ku taageeray dadaalada ay wadaan hey’adaha gargaarka ee loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee abaaraha ku dhiftay.

Sir Mo Farah ayaa sheegay inuu lacago badan ku taageeri doono, si wax looga qabto dadka dhibaateysan ee abaaraha saameeyay.

“Waxaana Bixin doonaa Dhaqaalo badan oo loogu tala galay Carruurta ay Saameeyeen Abaaraha ee ku sugan Soomaaliya dadka dunida waxaana ugu baaqaya in ay feejignaadaan oo ay Muujiyaan dadaal badan” ayuu yiri Mo Faarax.

Mo Faarax ayaa sidoo kale sheegay ” Waxaan ku dhashay Soomaaliya waxaa qalbigeyga Xanuujinaaya dhibaatada haysata Qoyska Soomaaliyeed.

Abaaraha ka jira Soomaaliya ayaa gaaray heerkii ugu xumaa, iyadoo ay dad iyo duunyo u dhimanayaan haraad iyo gaajo.