Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Mitt Romey ayaa u qadka teleefoonka ugu hambalyeeyey Madaxweyne Barack Obama isaga oo jooga xarunta olalihiisa ee Boston ee gobalka Massachusetts. Waxuuna sidoo kale u mahadceliyey dhamaan taageerayaashiisa iyo fund raisers.
Mitt Romney ayaa lumiyey inta badan 9 gobal ee lagu tiriyo iney yihiin dhexdhexaadka, iyo sidoo kale saameyntii dhibaatooyinkii dadka mareykanka ka dhexleen hogaankii madaxweyne Bush oo keeney dhaqaale xumo iyo cabsi xoogan oo dadka mareykanka ah la soo darestey.
Xisbiga Republican ayaa guul darooyinka sanadihii ugu dambeeyey soo food saarey kulan deg deg ah ku balamey waxayna doonaayaa in ay wax badan ka bedelaan siyaasada immigration si ay u kasbadaan dadka ay ka midka yihiin Latino ah ee kor u dhaafaaya 12 milyan oo aan la dhacsaneyn siyaasada soo galootiga ee xisbiga jamhuuriga.
Mitt Romney ayaa haddii uu guuleysan lahaa noqon lahaa madaxweyne ugu family balaaran ee soo gala aqalka cad.
Madaxweyne Obama ayaa la filaaayaa in uu isna la hadlo dadka mareykanka iyo taageerayaashiisa isagoo ku sugan xarunta olalihiisa ee Chicago ee gobalka Ilinous.