Minneapols: Daawo Sawiradda Xaalada Wiilkii kasoo dhacay dabaqa 11aad oo soo hagaagtay.

0
207

Faadumo C/laahi, oo ah Hooyada dhashay Muuse, ayaa sheegtay in hada Xaalada Wiilkeedu tahay mid aad u wanaagsan.

Miraa660_video

Muuse Dayib ayaa xili Habeen ah kasoo dhacay Daaqada Gurigooda oo ku yaal Minneapolis, xiligaasoo Hooyadiis Faadumo ay hurdeysay.

Hooyo Faadumo oo ka sheekeeyneysa dhacdada naxdinta leh, ayaa sheegtay in Habeen kahor inta uusan Dayib daaqaada ka dhicin ay ku riyootay isagoo daaqada ka dhacaya.

“Waxa uu i lahaa Hooyo i saacideey, waa uu ooynayay, riyadaas kadibna si dhab ah ayuu Habeenkii xigay Daaqada uga dhacay” ayay tiri Hooyo Faadumo.

Muuse Dayib, ayaa ku bad baaday awooda Alle iyo naxariistiisa, waayo meesha uu kasoo dhacay iyo sida wax u gaareen waxay ahayd mid mucjiso ku noqotay Caalamka.

Daawo Sawirada:

muuuusemuusemiracle_baby660