Milateriga Masar Oo Wacad Ku Maray Inuu Ka Sifeyn Doono Gacanka Sinai Kooxaha Islaamiyiinta

0
198

Cairo(INO)— Milateriga Masar ayaa ku hanjabay in gacanka Sinai ee dalkaas uu ka sifeyn doono kooxaha Mintidiinta mayalka adag, iyadoo iska hor imaadyo halkaas ku dhex marayo Ciidamada Milateriga iyo Xoogag taabacsan Daacish.

In ka badan boqol ruux ayaa ku dhintay dagaalada tan iyo shalay ka socday waqooyiga Gacanka Sinai, iyadoo Xoogaga Daacish ay qabsadeen deegaanka Sheekh Zuwied, halkaasoo dhowr bar koontarool oo ay lahaayeen Ciidamada Milateriga la weeraray.

Milateriga Masar ayaa sheegay in howl galada aanan la joojin doonin, tan iyo inta laga sifeynayo Argagixisada.

Dowladda Masar ayaa aaga Sinai u dirtay diyaaradaha dagaalka, waxaana la soo sheegayaa in duqeymo cirka ah maanta oo khamiis ah ay dhaceen,markii diyaaradaha loo yaqaan F-16 ay duqeeyeen goobo ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha jihaad doonka ah.

Milateriga ayaa sheegay in 17 askari lagu dilay weerarada ka dhacay bar koontaroolo ku yaala agagaarka Rafah iyo Sheikh Zuwied.

Weerarada ka dhacay aagaas ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee ay qaadaan Kooxda taabacsan dowladda Islaamiga

Gacanka Sinai ayaa waxaa ka jiray xaalad deg deg ah iyo bandow tan iyo bishii October, markii halkaas lagu dilay tobanaan askari

Dhinaca kale Ciidamada Ammaanka Masar ayaa weerar ay ku qaadeen Waqooyiga Qaahira ku dilay illaa sagaal xubnood ka tirsan Ururka la mamnuucay ee Ikhwaanul Muslimiinka, waxaana dadka la dilay ku jiray Xildhibaan hore

Tan iyo markii xukunka laga tuuray Madaxweynihii hore ee Masar Maxamed Mursi waxaa dalka Masar ka dhacayay weeraro ay ka dambeeyeen Kooxo Islaamiyiin ah oo taabacsan Ururka Daacish.

Idale News Online,Cairo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here