Faluja(INO)- Ra’iisul Wasaaraha waddanka Ciraaq, Xaydar Alcabaadi, ayaa ku dhawaaqay bilowga howlgal milateri oo ballaaran oo dib looga qabanayo magaalada Faluujah dagaalyahanada Kooxda isugu yeerta Dowladda Islaamiga ah, kuwaasi oo magaaladaasi qabsaday laba sano ka hor.
Isagoo ay ku wareegsan yihiin saraakiisha milateriga ayaa muuqaal xilli dambe xalay laga sii daayay waxa uu Mr Alcabaadi ballan-qaaday in calanka Ciraaq uu goor dhaw ka dul baban doono magaalada Fallujah, taasi oo 50 km galbeedka ka xigta magaalada Baqdaad.
Milateri iyo boolis gurmad ah ayaa waxaa la geeyay deegaanada ku xeeran magaalada.
Mas’uuliyiinta Ciraaq ayaa goor sii horreysay u digay tobannaan kun oo qof oo rayid ah inay halkaasi isaga baxaan.
Qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ayaa ah qoysaska dagaalamayaashi Kooxda Dowladda Islaamiga ah.
Inkastoo ay kooxda IS ay la kulantay guuldarrooyin haddana kooxdu waxa ay maamushaa dhul ballaaran oo waqooyiga iyo galbeedka Ciraaq ah, oo ay ka mid tahay magaalada Muusil.
Idale News Online, Faluja