Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Siyaasadda iyo Ammaanka, Catherine Ashton, ayaa sheegtay inay aad uga tiiranyoodeen dilkii dhawaan loo geystay Ku-xigeenka Madaxa garsoorka Somalia Ahmed Malim Sheikh Nur.
Hadal qoraal ah oo uu aqriyay Afhayeenka Ashton, ayaa sheegay inay ka naxeen, markii ay maqleen Toogashadda iyo dilka loo geystay Mas’uulkaasi, oo ay kooxo hubeysani ku qaarijiyeen Magaaladda Muqdisho.
‘’ Wakiilka sare ee Midowga Yurub waxay Cambareyneysaa weerarada noocas ah, oo ay tilmaamtay inuusan waxba u dhimi doonin dadaalka Nabadda lagu soo celinaayo Somalia’’ ayuu yiri Michael Mann oo ah Afhayeen u ah Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arimaha Siyaasadda iyo Ammaanka.
Qoraalka waxaa kaloo lagu sheegay inuu Ururka Midowga Yurub EU si dhaw ugala shaqeynayo Dowladda Somalia iyo guud ahaan Beesha Caalamka Taageeridda Horumar laga sameeyo sidii nabad iyo kala dambeyn loogu soo celin lahaa Somalia.
Xigasho:- KUNA
Idale News Muqdisho