Midowga Yurub ayaa ku wargeliyay ciidamada dowlada Colombia inay ka qeyb qaataan howlgalada ay kamid yihiin howlgalka tayidka ee Ukraine iyo howlgalka ka dhanka ah burcad badeeda oo ka socda bariga qaarada Africa, sida ay baahisay saxaafada Germany.
Ka qeyb galka Howlgalkaasi midowga Yurub ayaa noqonaya markii ugu horeysay oo ciidamada Colombia ay ku lug yeeshaan howlgalada amniga ee ka dhacaya qaar kamid ah wadamada aduunka.
Dalka Colombia ayaa waxaa ka jirto koox jabhad ah oo lagu magacaabo FARC kuwaasi oo kasoo horjeeda dowlada.
Bishii July ee sanadkaan, Midowga Yurub ayaa hergeliyay howlgalka Rayidka ee dalka Ukraine, kaasi oo laga dalbaday ciidamada Colombia inay ka qeyb galeen.
Sidoo kale midowga Yurub ayaa ka dalbaday ciidamada Colombia inay ka qeyb qaataan howlgalka Atalanta ee la dagaalanka kooxa burcad badeeda Soomaalida.
Idale news Online,