Midowga Reer Yurub oo sheegay in ay kordhinaya Tabarka Ciidamada Soomaaliya

0
199

bir
Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Michele Cervone d’Urso oo warbixin ka soo saaray xafiiskiisa Nairobi ayaa ku sheegay in Midowga Yurub uu kor u qaadayo kala shaqeynta dowlada Soomaaliya dhanka amaaka gaar ahaan tababarka la siinayo ciidamada Soomaaliya.
Michele Cervone d’Urso oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in kaliya aysan hormarineyn dhisitaanka ciidamada amaanka bariga balse ay tixda ku darayaan tababar xirfadeysan oo la siinayo ciidamada Badda Soomaaliya oo dowlada Soomaaliya hamuun u qabto.
“EU waxay mar waliba u taagan tahay din u dhiska dalka Soomaaliya,gaar ahaan in layeeyo ciidamada Qaranka qeybahooda kala duwan,in Soomaaliya laga gacan siiyo xasilinta dalka iyo in la helo saraakiil Ciidan oo Aqlaaqda ciidan wax ka yaqaana”ayuu yiri Michele Cervone d’Urso.
Wuxuu hoosta ka xariiqa Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya in ciidamada Athlanta eek u sugan Xeebaha Soomaaliya ay sii kordhinayaan dagaalada ay kula jiraan burcad badeeda Soomaaliya,isagoona ku amaanay yareynta weerarada burcad badeeda sanadihii ugu danbeeyay.
Michele Cervone d’Urso ayaa adkeeyay in Midowga Yurub in si dhow u la shaqeeynayaan dowlada Federaalka Soomaaliya,isagoo dhanka kale amaanay ciidamada Tababarka ay siiyeen ee sida uu sheegay howsha wanaagsan ka haya Soomaaliya.
Warka ka soo baxay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaliya ayaa ku soo aadaya,iyadoo Midowga Yurub dowlada Soomaaliya ka gacan siinayo dib u dhiska ciidamada qalabka sida,iyagoo tababaro uga socdaan dalka Uganda xero ku taalo.

Idale News Muqdisho