Ururka Midowga Afika ayaa markale sheegay in Ciidamada Itoobiya ay ku biiri doonaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ciidamo dheeraad ah oo ka socda ay tegi doonaan Soomaaliya bilaha ugu horeeya sanadkan cusub ee 2014.
Guddoomiyaha guddiga Nabadgalyada iyo Ammaanka Midowga Afrika, Smal Chergui ayaa kulan looga hadlayay ammaanka Afrika oo Addis Ababa ka dhacay ka sheegay in ciidamada Itoobiya lagu xoojinayo howlgalka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ka socda.
“Qorshaheennu waa inaan tirada ciidamada AMISOM gaarsiinno 22,000 oo askari oo si howgalka Soomaaliya ka socda loo xoojiyo,” ayuu yiri Smal Chergui.
Wuxuu Smal Chergui intaas raaciyey in tirada Ciidamada AMISOM ay noqon doonaan 22,000 askari iyadoo ay hadda yihiin tiro u dhaxeysa 17,000 ilaa 18,000 askari kana kala socdaan wadamada Uganda, Burundi, Kenya, Djibouti iyo Sierra Leone.
Amb. Chergui ayaa xusay in arrintaan ay qayb ka tahay howlgalada lagula dagaalamaayo Al-Shabaab oo dib loo bilaabayo iyadoo sidoo kale ay Ciidamada AMISOM ay soo dabaali doonaan jawi ay ku dhacaan doorashooyin nabadeed markii la gaaro sanadka 2016, sida uu yiri.
Arrintaan ayaa ka dhigan inta badan askarta gaaraysa 4,000 ee lagu korhinayo AMISOM ay badankood ka imaan doonaan Itoobiya, iyadoo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu horay u sheegay iney Soomaaliya u dirayaan ciidamo dheeraad ah.
Itoobiya ayaa horay u shaacisay in ciidamadeed ka howlgala Soomaaliya ay ku biiri doonaan howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya maaadaama ay horay ugu biireen labada dal ee iyaguna deriska la ah Soomaaliya ee Jabuuti iyo Kenya.
Idale News Online, Addis-Ababa, Ethiopia.