Mid ka mid ah raggii Jaamacadda Gaarisa weeraray oo uu dhalay siyaasi xil ka qabtay

0
207

Garisa(INO)-Mid kamid ah afar looga shakiyay iney ka tirsanaayeen Alshabaabkii weeraray jaamacada magaalada Gaarisa ayaa la sheegay inuu ahaa arday horay kuliyada Sharciga kaga baran jiray jaamacad ku taala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Sidoo kale wiilka ayaaa la sheegay inuu dhalay gudoomiyihii hore deegaan hoostaga magaalada Mandheera sida uu sheegay wariye Yaasin Juma oo ah wariye Kenyan ah.

C/raxmaan Maxamed Cabdulaahi, wuxuu ahaa nin qareen cajiib ah noqon lahaa, sidaasi waxaa Yaasiin u sheegay wiil ay saaxiibo dhow ahaayeen C/raxmaan Maxamed.

Wuxuu ka qalin jibiyay dugsiga sare ee WAMY ee magaalada Nairobi isaga oo shahaadiisa ay noqotay heerka labaad ee qiimeynta shahaadooyinka ee A-, wuxuuna sanadkii 2013 ka qalin jibiyay jaamacada magaalada Nairobi.

C/raxmaan ayaa gurigooda laga waayay muddo sanad hadda laga joogo ka hor, waxaaba aabaha dhalay C/raxmaan uu ahaa madaxii deegaanka Bulla Jamhuri oo hoostagta magalada Mandhera.

Macalin wax u dhigay C/raxmaan ayaa sheegay inuu ahaa wiil dadaal badan wuxuuna dugsigiisa sare ka qalin jibiyay sanadkii 2007.

“Waxaan ku aqaanaa inuu ahaa ruux dadaal badan wuxuuna ahaa saaxiib ii dhow ka hor inta uusan ku biirin xag jiriinta”ayuu yiri mid saaxiib la ah C/raxmaan.

C/raxmaan ayaa adeegsiga Twitter bilaabay sanadkii 2009 wuxuuna kaliya wax kusoo daabacay lix jeer oo kaliya, isaga oo ku darsaday 13 ruux oo kaliya.

Idale News Online, Garisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here