Cadaado(INO)— Iyadoo maalintii khamiistii ay ka bilowdeen magaalada Cadaado doorashada Aqalka Hoose ee Galmudug ayaa maanta waxaa lagu tartami doona illaa lix kursi oo ay u sharaxan yihiin Musharaxiin dhowr ah oo ku tartamaya kuraasta Beelaha u matalaya aqalka Hoose.
Afhayeenka Guddiga doorashada Galmudug Yuusuf Diiriye Axmed ayaa sheegay in mid ka mid ah lixda kursi ay haween kaliya u tartamayaan, iyadoo dib loo celiyay Raggii horay iska diiwaan geliyay ee shahaadooyinkooda la siiyay.
“Kursiga maanta lagu tartamayo ee Beesha Dir, Surre, Qubeys waxaa ku tartamaya haween kaliya, raggii kursiga u qaatay shahaadada dib ha ugu soo noqdeen Xarunta Guddiga”ayuu yiri Afhayeenka Guddiga doorashooyinka Galmudug.
Kuraasta kale ee maanta lagu tartamayo ayaa saddex ka mid ah waxay yihiin kursiga Beesha Duduble, halka labada kursi kale ay yihiin beelaha Mareexaan iyo Murusade.
Mid ka mid ah Kursiga ugu adag ee Beesha Duduble ku tartamayaan ayaa waxaa u sharaxan Maxamed Cilmi Afrax oo horay Wasiir ka soo noqday Galmudug, Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii dalka soo maray, Cabdulle Faarax Xirsi iyo Cali Sheekh Yaasiin Cali Fadhaa oo horay uga soo shaqeeyay Hey’addaha xuquuqda aadanaha ee dalka iyo Shirkadda Hormuud.
Sidoo kale mid ka mid ah kuraasta Beesha mareexaan ee Galmudug ayaa waxaa ku tartamaya afar musharax oo kala ah Abwaan Cabdi Shire Jaamac Ciyaar Jecel, Suldaan Xaaji Aadan, Deeqo Xuseen Mire iyo Qaasim Maxamed Cabdi Dheere.
Waxaa kaloo maanta lagu tartamaya mid ka mid ah Kuraasta Beesha Murusade waxaana u sharaxan labo Musharax oo kala ah Xuseen Qaasim Yuusuf iyo Shire Macalin Gaab.
Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in degmada Cadaado ka dhacaan doorashada kuraasta kale oo ay u taagan yihiin Musharaxiin caan ah oo horay Wasiiro iyo Xildhibaano ahaa, waxaana lagu tilmaamay kuraasta uu adag ee lagu loolamo doono.