Mid ka mid ah duuliyihii la la’aa diyaaradii Ruushka ee la soo riday oo la helay

0
191

Mosco(INO)— Mid ka mid ah duuliyeyaashii diyaaradii Ruushka ee shalay la soo riday ayaa la helay, iyadoo intii uu socday howl gal lagu bad baadinayay diyaaradaas uu ku dhintay askari ka tirsan Ciidamada Marines-ka Ruushka, iyadoo ay bur burtay diyaarad Helicopteruu Ruushka lahaa, taasoo baadigoobeysay duuliyeyaasha.

Xoogag hubeysan oo ka dagaalama gudaha Suuriya, asal ahaana ka soo jeeda Turkiga ayaa toogtay mid ka mid ah duuliyeyaashii, xilli uu baarashuut saarnaa, waxaana ay soo bandhigeen meydka askariga.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Suuriya ay soo bad baadiyeen duuliyaha labaad, waxaana la geeyay Xarunta Ciidamada Cirka Ruushka ku leeyihiin Latakia.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa xaqiijiyay in duuliyaha labaad ee diyaarada la helay, isla markaana nool yahay, waxaana uu xusay in bilad la guddoonsiin doono isaga iyo duuliyihii kale ee dhintay.

Saraakiisha difaaca Ruushka ayaa ku eedeynaya Turkiga inay si qalad ah u soo rideen diyaaradooda, isla markaana aanay jirin wax digniin ah ama xiriir toos ah oo aanu dhex marin duuliyeyaasha diyaarada iyo duulihii diyaarada Turkiga ee F16 ee soo riday diyaaradii Ruushka.

Ruushka ayaa durbaba geeyay xarunta uu ku leeyahay Suuriya gantaalada lidka diyaaradaha ee difaaca ah, kadib markii shalay mid ka mid ah diyaaradooda la soo riday.

Xiisada ka dhex taagan Ruushka iyo Turkiga ayaa ah mid aad u sii xoogeysanaya, iyadoo Mas’uuliyiinta labada dhinac ay hadalo kala duwan isaga weydaarsanayaan qalabka warbaahinta.

Idale News Online, Moscow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here