Meydka Maxamed Saleebaan Tubeec oo laga soo dajiyay Garoonka Muqdisho.

0
260

Allaha ha u naxariisto waxaa goordhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ka soo dagtay diyaaradii siday meydka fanaanka weyn ee Maxamed Saleebaan Tubeec.

Meydka fanaanka ayaa waxaa markii laga soo dajiyay garoonka ku soo dhaweeyay halkaas mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad weyne fara badan.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in lagu aaso magaalada Muqdisho. waxaana aaskiisa ka qaybgali doona mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Qaar ka tirsan waddooyinka Muqdisho, gaar ahaan kuwa garoonka diyaaradaha ayaa la xiray si loo adkeeyo ammaanka mas’uuliyiinta iyo  dadweynaha ka qeyb-galaya aaska Tubeec.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay inay ugu talagashay in hab-maamuus qaran lagu aaso fannaanka.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in lagu aasi doono qabuuraha Sheekh Suufi ee magaalada Muqdisho, kaddib salaadda Janaasada oo lagula tukan doono masjidka Isbahaysiga Islaamka, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

tubeec

Idale News Online, Muqdisho.