Gedo(INO)-Ururka Al Shabaab, ayaa meydka Aadan Garaar u qaaday Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, si Jimcaha maanta ay aas ugu sameeyan Degmadaasi.
Aadan Garaar, ayaa waxaa gelinkii dambe ee Khamiistii lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad Drone ah, oo ka dhacay inta u dhaxeyso Degmooyinka Baardheere iyo Diinsoor.
Aadan Garaar oo la socday gaari Suzuki ahaa, ayaa duqeymaha lagula eegtay deegaanka Abaa-huluul, oo qiyaastii 40km u jirta Degmada Baardheere, oo ah Degmada ugu weyn Gobolka Gedo.
Garaar waxaa lala dilay ilaa saddex nin oo kale, oo uu ku jiro darawalkiisii gaarka ahaa oo lagu magacaabi jiray Jaamac Cali Maxamed (Jaamac Afbalaar). Afbalaar waxaa da’diisa lagu qiyaasay 25 sano jir.
Garaar waxa uu xubin muhiim ah uu ka ahaa Xoogaga Amniyaadka ee Ururka Al Shabaab. BBC ayaa sheegtay in ninkaasi lala xiriirinayay weerarkii ay Shabaabku ku burburiyeen rugtii ganacsiga Westgate ee Magaalada Nairobi.
Sarkaalka la dilay, ayaa ku sii jeeday Degmada Baardheee, iyadoona uu ka tagey Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.
Mareykanka, ayaa u muuqda mid xoojiyay duqeymaha xagga cirka ah ee Saraakiisha Shabaabka uu kula beegsanayo Gobolada Koonfureed Somaliya.
Mareykanka waxaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay saddex dal ee Somaliya ka caawinaya xagga militariga. Mareykanka, Talyaaniga iyo Turkiga waxay Somaliya ka gacan siinayan dib u dhiska Ciidanka Qalabka Sida.
Idale News Online, Gedo.