Mexico oo sheegtay in ay ka jawaabi doonto qorshaha darbiga Donald Trump haddii lagu dhaqaaqo

0
195

Mexico(INO)- Mexico ayaa uga digtay Maraykanka in uu cashuur ku soo rogo badeecadaha dalkeeda looga dhoofiyo Maraykanka si dakhliga halkaa ka soo xarooda loogu dhiso gidaar kala xidha labada dal. Waxaanay Mexico sheegta in ay tallaabo taa la mid ah kaga falcelin doonto arrintaa.

Wasiirka arimaha dibadda, Luis Videgaray, ayaa sheegay in dawladiisu ku soo rogi doonto cashuur dheeraad ah badeecada Mexico looga soo waarido gobolada Maraykanka qaarkood.

Mar sii horaysay ayaa madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, wuxu wacad ku maray inuu “si dhakhso ah oo ka horaysa xiligii talo galku ahaa” u bilaabi doono dhismaha gidaarka.

Dawladda Maraykanku waxay sheegtay in ay bisha dambe furi doonto tartanka qandaraasleyaashu ku soo gudbinayaan nashqada gidaarka la doonayo in la dhiso.

Waaxda cashuuraha iyo ilaalinta xuduudaha ayaa sheegtay in ay ku wargelin doonto 6-da Maarij shirkadaha in ay soo gudbiyaan “nashqadaha iyo qaabka ay doonayaan in ay u dhisaan gidaarka.”

Waxaanay intaa ku dartay in marka la gaadho 20 Maarij lagu wargelin doono shirkadiha nashaqadahooda la qaato in ay soo gudbiyaan qiimaha qandaraaska ay ku dhisayaan gidaarka.

Khamiistii ayaa xog-hayaha arimaha dibadda Maraykanka, Rex Tillerson, iyo xog-hayaha arimaha gudaha, John Kelly, waxa ay dhigooda Mexico kulan kula yeesheen xarunta dalkaas ee Mexico City.

Labada dhinac midkoodna ma soo hadal qaadin gidaarka markii ay sida wada jirka ah warfidiyeenka ula hadlayeen shirkoodii albaabadu u xidhnaayeen ka dib.

Madaxweyne Trump wuxu u baahanyahay in qorshihiisan Congress-ku ansixiyo si loogu helo lacag lagu hirgeliyo dhismaha gidaarka uu doonayo.