Garowe(INO) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in barnaamijka New Deal ee lagu taageerayo Soomaaliya uu yahay mid gaabis ku socda, isagoo dalalka qaybta ka ahna ku dhaliilay inay habka ay barnaamijkan u wadaan.
Xasan Sheekh oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa sheegay in Qaabka ay Caalamku u wajahayaan hadda caawinta Soomaaliya inuusan ahayn midkii Somalia ay u baahnayd, isagoo ku baaqay in si deg-deg ah dib u eegis loogu sameeyo barnaamijkan.
“Beesha Caalamka niyad-samideeda caawinta Somalia way ku mahadsan yihiin… waana ku amaanaynaa… balse New Deal-ka waxaan u baahan nahay in si dhab ah dib loogu eego, sida hadda uu yahay marka la eegana ma ahan mid anfacaya ummadda Soomaaliyeed, gaabis ayuuna ku socdaa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Shirkii New Deal ee lagu qabtay Belgium ayaa dowladda Somalia loogu yaboohay lacago mallaayiin doollar ah, iyadoo kaalmadaas loogu talo-galay dib u dhiska iyo soo kabashada Somalia, inkastoo aan lacagtaas la wada-bixin.
Ugu dambeyn, wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Somalia, Cabdiwali Ibraahim Muuddeey ayaa munaasabad ka dhacday Muqdisho ka sheegay inuu barnaamijkii New Deal-ka ee Somalia lagu caawinayay uu noqday mid fashilmay.
Idale News Online, Garowe