Muqdisho (INO) — Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Todobaadkan xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Xooga dalka Jen Daahir Aadan (Indho Qarshe), xilli dhawaan uu jiray Khilaaf Hoose.
Macluumaad Hoose oo Idale News Online heshay ayaa sheegaya in MD Xasan Sheekh uu dhawaan si rasmi ah Shaaca uga qaadi doono Xilka ka qaadista Indho Qarshe iyo Magacaabista Shaqsi beledeli lahaa.
Jen C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), ayuu doonayaa Madaxweyne Xasan Sheekh inuu Xilka u magacaabo, si loo helo Rag hore oo isla soo shaqeeyay, oo Dagaalka Al shabaab si fiican u yaqaana.
Hogaanka Ciidanka Militariga ayaa la rabaa in loo dhiibo Mas’uuliyiin Shaqad si fiican u yaqaano, waxaana loo xushay C/qaadir Cali Diini, oo Wasiirka Difaaca loo magacaabay iyo Dhaga-badan oo Ciidanka Xooga loo dhiibay.
Waa Labo Qof oo wax badan ka qabtay Amniga dalka xilli ay kamid ahaayeen Dowladda KMG ahayd, ee uu hogaaminayay Shariif Sheekh Axmed.
Idale News Online – Muqdisho