Maxkamd lasoo taagay dumarkii dilay Kim Jong-nam iyo xukun dil ah oo ay muteysan karaan

0
186

 Kuala Lumpur(INO)- Siti Aishah (25-jir) iyo Doan Thi Huong (28-jir) ayaa waxaa lasoo taagay maxkamad taas oo ku eedeysay in ay si ula kac ah oo ay ogaansheheeda lahaayeen u dileen ninka aabe-wadaagga la ah madaxweynaha Waqooyiga Kuuriya ee Kim Jong-nam.

Maxkamadda ayaa sheegtay in labadan dummar ah ay wajiga y mariyeen sunta nerfaha baabi`isa ee ee loo yaqaan VX Kim kaas oo xilligaas ku sugnaa garoonka caalamiga ah ee Kuala Lumpur, kuna sii jeeday magaalada Macau ee dalkaasi Shiinaha.

Labadan dumar ayaa falkan ku muteysan kara xukun dil ah haddii ay maxkamaddu ku hesho dambiga lagu soo eedeeyay.

Dumarkan ayaa horay u sheegay in howshan ay fuliyeen ku qaateen lacag dhan 90 dollar, ayna u haysteen mid taleefishin loogu duubayay kamaradda qarsoon.

Si kastaba dowladaha Malaysia iyo Waqooyiga Kuuriya ayaa xiriirkoodu xumaaday sababo la xiriira dhacdadan, waxaana la aaminsan yahay in falkani ay ka dambeeyaan sirdoonka Waqooyiga Kuuriya.