Guddoomiyihii Maxkamada Sare ee dowladii ku meel gaarka Caydiid Ilkanaf ayaa sheegay in wixii maanta ka dambeeya 17 xubnood oo horey loo diiday ay ka mid yihiin xildhibaanada cusub ee Baarlamanka Somalia, aysana jirin cid go’aankaas diidi karta, wuxuuna eedeeyn culus dusha uga tuuray guddiga farsamada soo xulista xildhibaanada oo uu sheegay iney diideen maxkamada iney hor yimaadaan, ayna jeex-jeexeen qoraal arintaas ku saabsan oo maxkamdu ay u dirtay. Iyadoo dhanka kale afar ka mid ah saxiixayaasha iyo guddiga farsamada ay diideen arrinkaas kuna tilmaameen in guddoomiyaha Maxkamada sare oo ka soo jeeda gobolada waqooyi ee Soomaalia iyo madaxweynihii xilkiisa dhamaadey ee Shariif Sheekh Axmed bilaabeen fowdo iyo qalalaase siyaasadeed oo ay ku doonaaayaan in hanaanka dowladeed oo ay hadda bilowdey isbaaro u dhigtaan, taasna aan laga yeeli doonin, haddii la dhaariyo iyo haddii kaleba, beesha caalamkuna ay uga digaayaan 3da masuul oo doonaayaa in guul darada siyaasadeed ee la soo gudboonaatey ay bedelkeeda fowdo abuuraaan.
Go’aankaas maxkamda sare gaartay ayaa waxaa soo dhoweeyey 11 ka mid ah 17-ka xubnood ee loo fasaxay iney ka mid noqdaan baarlamanka cusub kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, Cumar Maxamed Maxamuud (Filish), Bootaan Ciise Caalin, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Maxamed Xuseen Afaraale, Maxamed Qanyare Afrax iyo qaar kale.
La gudoomiyaha Guddiga farsamada xulista xildhibanada cusub ee baarlamanka Prof. C/llaahi Xiirey ayaa sheegay saaka in maxkamada sare ay ka tirsaneyd dowladii uu waqtigeedu dhamaaday ee KMG aheyd aysana sharci noqon karin go’aan kasta oo ay soo saarto, wuxuuna xusay nin baarlamanka dhowaan la dhaariyey uu yahay heyadda kaliya sharciga ah ee dalka ka jirta.
Saxiixeyaasha road mabka ayaa horey ugu kala qeybsamay in maxkamada sare ay go’aan ka gaari karto iyo in kale aarinta xubnaha la diiday, iyadoo intooda badan diiday arintan marka laga reebo madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo arintan markii hore soo jeediyey lamana oga sida go’aanka maxkamada uu ku shaqeyn doono iyo halka xaalka uu ku dambeyn doono.
Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho.
Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com