Maxkamadda ICJ oo Kenya u qabatay in dhamaadka sanadkan soo gudbiso jawaabta dacwada Badda

0
192

Nairobi(INO)— Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda Adduunka ICJ ayaa dowladda Kenya u qabatay in ugu dambeyn dhamaadka sanadkan ku soo gudbiso jawaabteeda ku aadan dacwada Badda.

War kooban oo ka soo baxay Maxkamadda ICJ ee fadhigeedu yahay magaalada Hague ayaa looga dalbaday dowladda Kenya in 18-ka bisha December ee sanadkan 2017 ay ku soo gudbsio dacwada ka dhanka ah ee ay horay Soomaaliya Maxkamadda ugu gudbisay sanadkii 2014.

Maxkamadda ICJ ayaa horaantii bishan aqbashaday inay qaado dacwada labada dal u dhaxeysa, taasoo aheyd sida ay dowladda Soomaaliya dooneysay in Maxkamadda ay qaado dacwada labada dal u dhaxeysa.

Maxkamadda waxay meesha ka saartay diidmada Kenya ee aheyd inay wada hadal ka galaan labada dal, kaddib markii dowladda Soomaaliya diiday inay wada hadal ka galaan muranka xadka badda.

Xaakimiinta Maxkamadda ICJ ayaa la sheegay inay awood u leeyihiin in ay xeeriyaan ama go’aan ka gaaraan khilaafka u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowlada Kenya, kaasoo ku saabsan badweynta Hindiya iyadoo ay dhex ceegaagaan gunta badaas  saliid iyo gaas faro badan.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km oo labo jibbaaran, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduudda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Dacwada u dhaxeysa labada dal Kenya iyo Somalia ayay dad badan aaminsan yihiin inay sannado badan qaadato, isla markaana Maxkamadda ay marba dhinac dhageysan doonto Qarreenada u doodaya labada dal.

Sanadkii hore ayay aheyd markii Maxkamadda ICJ ee Hague ay soo gaba gabeysay dacwada u dhaxeysa dowladaha Shiinaha iyo Philippine oo ku muransanaa Badda Koofurta Shinaha, iyadoo Philippine ku guuleystay kiiska dacwadaas oo muddo soo jiitamayay