Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta riday xukun dil ah.

0
205

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta oo Talaado ah xukunno isugu jira dil iyo xabsi ku xukuntay afar eedaysane oo la horgeeyey maxkamadda.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuurre oo ku dhawaaqay xukunka afarta qof ayaa sheegay in labo nin oo ku eedeysnaa dil bareer ah lagu xukumay dil toogasho ah, kaddib markii ay qirteen eedda loo haysto.

Eedeysanaha saddexaad ayuu sheegay in lagu xukumay diyada qof haween ah, kaddib markii ay caddaatay in falku u dhacay si kama’ ah, halka kan afaraad oo ku eedaysnaa isku day kufsi lagu xukumay labo sano oo xarig ah.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in xukunka dadkaas loo cuskaday shareecada diinta Islaamka iyo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

xukun-300x192

Idale News Online Muqdisho.