Maxkamada sare ee Ciidamada oo Saaka Toogatay Saddex ka Tirsan Al-shabaab.

0
200

maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Saaka Fulisay Xukun Dil ah oo ay ku Fulisay Saddex Ruux oo ka tirsanaa Maleeshiyada Al-shabaab.

 

xukun dilxus

Saddexda Ruux ee Dilka Toogashada lagu Fuliyey ayaa waxaa ku Jira Ninkii Fududeeyey Weerarkii ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Bishii Ramadaan iyo Labo kale oo Dilal ka geeystay Magaalada Muqdisho.

Toogashada ayaa waxaa ay ka dhacaday Barxata Toogashada ee Iskool Bulisiyo ee Magaalada Muqdisho,waxaana aad loo adkeeyey Amaanka Xarunta.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maalmahaan danbe Dardar galisay  Dilalka Toogashadaa ee loo geeysanayo Maleeshiyada ka tirsan Al-shabaab.

Waxii Faah-faahin ah kala soco shabakada warhaainta  Idale News Online

Idale News Online – Xafiiska Warqabadka  Gobolada KG Soomaaliya, Baydhabo Janaay.