Maxkamada Ciidamada oo dil ku xukuntay nin lagu helay dilka Wariye Hindiya Xaaji

0
208

Muqdisho(INO)— Maxkamadda ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta ku xukuntay dil toogasho C/risaaq Maxamed Barrow Caddow oo lagu helay dambi ah in uu ku dhajiyay bamkii lagu qarxiyay baabuurkii ay lahayd Wariye Hindiyo Xaaji.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in C/risaaq Maxamed Barrow Caddow ay maxkamadu ku riday xukun dil toogasho ah maadaama uu ahaa ninkii walxaha qarxa gaariga ugu xirey marxuumad Hindiyo Xaaji.

Sidoo kale maxkamadda ayaa xukun xabsi daa’im ah ku riday eedeysanayaasha kala ah; Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamed Abuukar Cali iyo Macalim Maxamed Sheekh Yuusuf, maadaama ay qirteen in kooxda Al-shabab ay u qaabilsanaayeen faafinta afkaarta kooxdaasi isla markaana ka shaqeyn jireen  dugsiyo lagu fidiyo fikirta Al-shabaab.

Maxkamadda ayaa eedeysanayaasha Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni, waxaa ay ku xukuntay shan sano oo xabsi ciidan ah, maadaama ay la shaqeyn jireen ururka Al-shabaab.

Sadexda bishii 12 ee sanadkii 2015 ka ayaa lagu diley qarax gaarigeeda loogu xirey Allah u naxariistee Hindiyo Xaaji Maxamed Kheyre oo kamid aheyd shaqaalaha Radio Muqdisho iyo Telefishinka qaranka.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here