Maxkamad xukuntay in xilka laga qaado madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed iyo dadweyne damaashaaday

0
213

Maxkamadda dastuuriga ah ee dalka Koonfur Kuuriya ayaa oggolaatay in xilka laga xayuubiyo haweenayda madaxweynaha ka ahayd dalkaasi Park Geun-hye kaddib todobaadyo dibadbax ka dhan ah iyada oo dalka ka socday.

Park ayaa waxaa lagu helay musuq-maasuq iyo awood ku takrifalid, waxaana baarlamaanka dalkaasi uu bishii December ku soo oogay dacwad xilka looga qaadayo. .

Park ayaa noqonaysa madaxweynihii u horreeyey ee dalkaasi si dimoqraadi ah loo soo doorto oo xilka laga qaado..

Dad badan oo Koonfurta Kuuriya u dhashay ayaa soo dhaweeyay go’aanka maxkamadda.

Park oo 64 jir ah ayaa noqonaysa madaxweynihii labaad ee xilka ay ka xayuubiyaan baarlamaanka. Roh Moo-Hyun ayaa 2004 xilka laga xayuubiyay, laakiin xilkaasi waxaa ku soo celisay maxkamad laba bilood kadib.