Afhayeenkii hore ee Xisbul Islaam Max’d Cismaan Caruus oo si xeeladeysan uga baxsadey Ciidamada Nabadsugida Somalia xili Sheikh Xasan Aweyn xabsi loo sii wadey

0
193

Afhayeenkii howl galada Ururkii bur buray ee Xisbul Islaam Maxamed Cusmaan Caroos oo ka mid ahaa dadkii la socday diyaaradii keentay Sheekh Xasan Dahir ayaa sheegay inuu si xeeladeysan uga baxsaday garoonka, markii arrinta xumaatay.

caruus

Maxamed Caruus oo la hadlay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inuu ku sugan yahay meel ka mid ah magaalada Muqdisho, isagoo xusay in si xeeladeysan uu u dhuuntay, markii ciidamada Nabadsugida ay xireen Xasan Dahir.

Warar qaar ayaa sheegaya in Caruus uu isku daray odayaashii iyo saraakiishii Cadaado tagay ee Xasan Dahir soo kaxeeyay, kuwaasoo markii ay Muqdisho keeneen wadaadka lagu amray inay iska tagaan, balse ay diideen in la xiro Xasan dahir, isla markaana dowladda ay si wanaagsan ula dhaqmo.

“Aniga markii arrinta xumaatay ayaa si farsameysan u baxsaday, waxaa jooga meel ka mid ah magaalada, xaaladeydana waa fiican tahay, markii aan ka soo degeynay garoonka ayaa maxbuus aheyn”ayuu yiri Caruus.

Baxsashada Caruus ayaa ah mid aad looga hadal haayo magaalada Muqdisho, iyadoo ay sii fogeyneyso arrinta Xasan dahir oo xilligan ay gacanta ku hayaan Ciidamada gaarka ah ee nabadsugida dowladda, lamana oga qaabka ay ugu suura gashay inuu baxsado, iyadoo ammaanka garoonka diyaaradaha uu yahay mid aad u adag.

Idale News Online, Mogadishu