Maxay tahay sababta ka dambeysa Baaqashada kulanka Obama Iyo Madaxweynaha dalka Filibiin?

0
195

Bajin(INO)- Warbaahinta caalamka ayaa aad u hadal haysa Sheekada ku saabsan, sababta ka dambeysay Baaqashada kulan dhexmari lahaa Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama iyo Madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte.

Arintaan ayaa ka dambeysay, kadib markii Madaxweynaha dalka Filibiin uu aflagaadeeyay Madaxweynaha dalka Mareykanka, islamarkaana ku tilmaamay ruux aanan laheyn Aabo.

Obama ayaa bedelkiisi la kumaya Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Park Geun-hye, shirka dowladaha Aasiya ee ka dhacaya jasiiradda Loas maanta oo Salaasa ah, sida lagu yiri war ka soo baxay Aqalka Cad.

Madaxweynaha dalka Filibiin oo ah nin dhawaan la doortey ayaa shir saxaafadeed dhexdiis lagu weydiiyey sida uu u arko kulanka uu la yeelanayo Madaxweynaha Mareykanka Obama, haddii uu ku canbaareeyo xukunka dilka ah ee uu ku fulinaayo dadka ka ganacsada daroogada, kuwaas oo inta hadda la diley ay marayaan 2500 tan iyo markii uu xukunka la wareegey ayaa yiri:

“Waa in aad ahaata mid xurmad leh “Agoonyahow”, haddii ay sidaas tahay waxaan ka dharaanayaa in aan kula kulmo.” ayuu yiri Duterete oo Obama eedeynaya.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha Filibiin uu yahay mid meel ka dhac ah, sidaas darteedna aanu u qalmin in lala kulmo.

Duterte ayaa ka xumaadey hadalkii uu yiri markii uu ka degey halka shirku ka dhacaayo ee caasimadda dalka Laos ee Vientiane, waxaana uu sheegay in uu raali gelin toos ah ka dalbanayo Obama.