Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan?

0
210

Baydhabo(INO)-Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya oo xalay ku hoyday Magaalada Baydhabo, ayaa kulan muddo saacado qaatay kula yeeshay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa qoddobo dhawr ihi kala hadlay Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoo la soo sheegayo in uu ku qanciyay in siyaasadda Villa Somalia uu taageero, xilligan kala guurka ah.

Madaxweynaha, ayaa Shariif Xasan kala hadlay in uu ka tanaasulo damaciisii ku aadanaa, in siyaasi ka soo jeeda Beelaha Hawiye uu u sharaxo Gudoomiyaha Baarmaanka xigga, si siyaasi ka soo jeeda Koonfur Galbeed uu isugu soo sharaxo jegada madaxtinimada dalka.

Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa waxaa la leeyahay waxaa uu qorshaynayay in uu isu soo taaggo jegada dalka, balse uu taasi ka laabtay xalay.

Madaxweynaha Somaliya, ayaa sidoo kale Shariif Xasan ku qanciyay in ay samaystan isbahaysi, si uu Xasan Sheekh Maxamuud ugu soo laabto talada dal, isagoo ka digay haddii aanay bahwadaag noqon, ay markaasi macquul tahay inaanu ku guuleysan hogaaminta dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u soo bandhigay Shariif Xasan in Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka imaan doona Deegaanada Koonfur Galbeed, uu ka gado/iibiyo siyaasadiisa, ka hor inta aan la gaarin xilliga doorashada madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ballanqaad muhiim ah u sameeyay Shariif Sheekh Aadan, iyadoo uu u ballanqaaday in Wasiirada iyo Wasiir Ku Xigeenada ka imaanaya Gobolada Shabellaha Hoose, Baay iyo Bakool ay ku imaan doonaan rabitaankiisa.

Ilo wareedyo, ayaa ku waramaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Shariif Xasan ku soo hadalqaaday Musharax Shariif Sheekh Axmed. Madaxweyne Xasan ayaa Shariif Xasan u sheegay in dareenka ugu wayn uu ka qabo dhinaca Shariif Sheekh Axmed.

Xasan Sheekh, ayaa Shariif Xasan ku adkeeyay haddii uu xiriir kaga yimaado dhanka saaxiibkiisii hore aanu soo dhaweynin, si hadafkoodu kaga miro dhaliyan.

Ilo lagu kalsoonaan karo, ayaa IdaleNews.com u sheegay ujeedada ugu wayn ee Xasan Sheekh uu u tagey Baydhabo, ay tahay sidii uu taageero kaga heli lahaa Shariif Xasan.

Isu-soo wada-duuboo Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sanadihii ugu dambeeyay cilaaqaad wanaagsan uu kala dhaxeeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana loo arkaayay kuwo hal daraf ka ah siyaasadda dalka.