Maxay Al-shabaab u Kordhiyeen Qaraxyada & Dilalka Qorsheysan?

0
170

Muqdisho(INO)-Ururka Al-shabaab oo sheegtay masuuliyada qaraxyadii shalay ka dhacay xarunta CID ayaa ka hadlay sababta ka dambeysa kordhin weerarada iyo qaraxyada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab Abuu Muscab ayaa sheegay in qaraxyada ay la eegteen xarun ay ku sugan yihiin dad ay u aqoosan yihiin iney cadow ku yihiin, wuxuuna sheegay in qasaaro ay geysteen qaraxyadii shalay oo saraakiil ay ku dileen.

Qaraxyadii shalay waxay dowlada Soomaaliya sheegtay in dadka ku dhintay ay ahaayeen dad shacab ahaa iyo 7 ruux oo Al-shabaab ka tirsan kuwaasi oo weerarka soo qaaday.

Abuu Muscab, ayaa soo hadal qaaday qaraxii uu xildhibaan Badbaado ka geystay albaabka Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay iney ka lahaayeen ujeedo ay kula dagaalamayaan ciidamada Shisheeye ee kusugan dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa ku goodiyay iney sii wadayaan weerarada iyo qaraxyada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho oo ay la eeganayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya.

Al-shabaab oo xiriir toos ah laleh Al-qaacida ayaa sheegtay masuuliyada qaraxyo badan iyo dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo magaalooyin kale oo Soomaaliya ku yaala.