Maxamed C/hi Farmaajo oo loo badinaayo in loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha J. Federaalka Soomaaliya

0
242

Siyaasiga haysta inta badan taageerada Shacabka Soomaaliyeed isla markaasna horey u soo noqdey muddo lix bilood ah Ra’iisul Wasaaraha Dowladii ugu dambeysey ee Federaalka KMG Somalia ee uu madaxda ka ahaa Shariif Sheekh Axmed ayaa warar lagu kalsoon yahay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la filaayo inuu u magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Cusub ee shacabka Soomaaliyeed dhowrayaan.

Xafiiska Madaxweynaha oo ay ka socdaan la tashiyo dhowr ah, dadka ugu dhow dhow ee xafiiska Madaxweynaha lagu arkaayo ayaa waxaa safka hore ugu jira Maxamed C/hi Farmaajo, Ali Khaliif Galeyr, Axmed Ismaa’iil Samatar, Ismaaciil Huree Buubaa iyo Xuseen Khaliif.

Madaxweynaha ayaa la tashiyo gooni gooni ah la lahaa 2dii cisho ee ugu dambeysey dhammaan xildhibaanada beelaha kala duwan ee Soomaalida  isla markaasna eego musharaxiinta Ra’iisul Wasaaraha iyo inuu barlamaanka uu uga heli karo cod aqlabiyad ah oo magacaabistiisa lagu meel mariyo.

Rajada in Madaxweyne Xasan u magacaabo Mudane Maxamed C/laahi Farmaajoayaa aad isu soo tareysa, waxaana muuqata in uu yahay musharaxa uga dhow Madaxweynaha, kulamo joogta la leh marka la barbardhigo musharaxiinta kale ee xilkaas in loo magacaabo halganka uga jira.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta aan loo dooran Jagada hogaanka sare ee dalka horey u sheegey in uu Ra’iisul Wasaare u magacaabi doono haddii la doorto, taasoo aan saxaafada iyo dadweynaha Soomaaliyeed ku baraarugsaney xiligaas maadaama Madaxweyne Xasan uusan safka hore kaga jirin musharaxiintii la rajeynaayey in ay ku soo baxaan jagada Madaxweynaha.

Isku soo wada duuboo, madaxweyne Xasan ayaa kulamada wadatashiga ah ee uu la yeelanaayo xildhibaanada iyo musharaxiintii jagada madaxweynaha u muuqdaan mid uu taageero ugu raadinaayo Mudane Maxamed Abdullah Farmaajo oo u muuqda inuu yahay shaqsiga madaxweynuhu daneynaayo inuu u magacaabo Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, inkastoo taageerada beesha caalamka iyo dalalka deriska ah ay ku talinayeen in maamulka Puntland oo qeyb ka ahaa dhameystirka howlaha kala guurka dowlada iyo diyaarinta dastuurka federaalka ah loo magacaabo shaqsi ka soo jeedaha deegaanadaas ayaan hadda u muuqan in madaxweynuhu u qancin balse bedelkeeda  ay ugu muhiimsan tahay taageerada  iyo baahida codka kalsoonida xubnaha barlamaanka marka  Ra’iisul Wasaaraha iyo xukuumadiisa a la horgeeyo golaha shacabka si ay u hesho taageerada & ansixinta xukuumada Ra’iisul Wasaare Farmaajo

 

Xafiiska Warqabadka idale News Muqdisho,
Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com