Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray Liiska wafuuda u tagaya deegaanada maamul goboleedyada xasilinta khilaafka dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka.
Qoraal uu ku saxiixnaa Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu magacaabay min 10 xubnood oo ka tirsan Senatarada Aqalka sare iyo labo howlwadeeno ah oo loo dirayo xarumaha maamul goboleedyada.
Liiska ugu horeeyay ayaa waxaa hoggaaminaya wafdiga loo dirayo dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa hoggaaminaya Sen. C/raxmaan Faroole oo aan muddo soo xaadirin Kalfadhiyada Aqalka sare, balse muddooyinkii u dambeeyay fadhigiisa ahaa Garowe.
Sidoo kale waxaa Wafdiga loo dirayo Dowlad goboleedka Galmudug waxaa hoggaaminaya Sen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, halka wafdiga loo dirayo Koofur Galbeed uu hoggaaminayo C/llaahi Cabdi Garuun.
Senator Axmed Xaashi Maxamiid ayaa hoggaamin doona wafdiga u ambabaxaya magaalada Kismaayo ee maamul goboleedka Jubbaland, halka Wafdiga u ambabaxaya dowlad Goboleedka Hishabeelle uu hoggaamin doono Sen. Maxamed Xuseen Raage
Halkan hoose ka akhriso Liiska wafuuda loo dirayo Maamul goboleedyada:-