Baydhabo(INO)-Madaxweynayaasha caalamka ayaa dadku ay ka fishaan inay yihiin dad aqoon sare leh oo waxbarashada ka gaaray heer jaamacadeed. Hase yeeshee hogaamiyaal Afrikaan ah ayaan waxbarashada heer jaamacadeed ka gaarin iyagoo qaarkood aanba ka gudbin dugsi sare.
Haddaba aan qormadan ku soo qaadano shan Madaxweyne oo xukumo dalal Afrikaan ah kuwaasoo aan waxbarasho heer Jaamacadeed gaarin balse xukuma dalalkooda.
1- Dennis Sassou Nguesso, Republic of the Congo
Nguesso ayaa magaalo ku taal galbeedka dalkiisa ee Dolisie waxa uu ku qaatay tababar macalinimo isagoo aan Jaamacad u gudbin.
Hase yeeshee hogaamiyahan oo aan haysan shahaado Jaamacadeed ayaa maamulayay dalkiisa tan iyo bishii Oktoobar 1997. Madaxweyne Nguesso ayaa dhowr jeer ku guuleystey doorashada dalkiisa waxana uu xilligii uu dhalinyarada ahaa ku soo barbaaray ciidamada.
2- Saias Afwerki, Eritrea
Madaxweynaha dalka Eritrea ayaan dhamaysan waxbarashadiisa dugsiga sare hase yeeshee waxaa uu sanado badan haatan hogaanka u hayay dalkiisa.
Waxa uu Afwerki sida la diiwaangeliyay ka qalin jebiyay Dugsiga sare ee Makonnen hase yeeshee waxa uu ku guuldareystey in uu Jaamacad u gudbo taas bedelkeedna waxa uu ka qeybgalay halgankii loogu jirey xoreynta dalka Eritrea.
3- Paul Kagame of Rwanda
Madaxweynaha Rwanda Kagame ayaa kamid ah hogaamiyaasha Afrikaanka ah ee aan shahaado jaamacadeed weligood qaadan, waxana uu Kagame waxbarasho ku qaatay xero qaxooti oo ku taal dalka Uganda isagoo halkaa ka bartay luqada Englishka iyo dhaqanka Uganda.
Kagame ayaa horaantii toddobaatameeyadii waxaa geeriyoday aabihiis waxana xilligaas uu ahaa mid dhiganayay dugsiga sare ee Kampala mana dhamaysan waxbarashadiisii dugsiga sare.
4- Yahya Jammeh, Gambia
Madaxweynaha dalka Gambia Yahya Jammeh ayaa caan ku ah tababar xoog leh oo dhinaca milatariga oo uu soo qaatay markii uu dhameeyay waxbarashadiisii dugsiga sare ee magaalada Banjul.
Sanadkii 1984tii ayuu ku biiray ciidamada qaranka ee dalka Gambia waxana uu gaaray labo xiddigle sanadku marka uu ahaa 1989 kadibna waxa uu noqday taliyaha Booliska Milatariga ee dalkiisa isagoo kadibna noqday Madaxweyne.
5- Muhammadu Buhari, Nigeria
Hogaamiyaha caanka ah ee dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ka mid ah madaxda wadamada Afrika ee aan Jaamacad gelin.
Hase yeeshee Buhari ayaa dugsiga hoose ku galay Daura iyo Mai’adua gobolka Katsina ee Waqoyiga Nigeria.
Kadib waxa uu Buhari wax ku bartay dugsiga Katsina Model sanadkii 1953 waxana uu dugsiga sare ku dhamaystey Katsina Provincial Secondary School intii u dhexeysay 1956-1961.
W/Q Mohamed A. Aseir, Idale News Online, Baydhabo