Maxaad ka Ogtahay Kulanka Xasaasiga ee Xasan iyo Farmaajo u dhexeeya?

0
199

Muqdisho(INO)- Musharax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay Murashax Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ka codsaday in ay wada kulmaan.

Wakiilo ka socotay dhinaca Xasan Sheekh, ayaa Isniintii waxaa ay Hotel Jazeera kula kulmeen wakiilo kale oo meteleysay Maxamed C/laahi Maxamed, Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somaliya.

Wakiilada ka socotay Villa Somalia, ayaa wakiilada kale gaarsiiyay in Madaxweynaha Somaliya uu daneynayo in uu la kulmo Maxamed C/laahi Maxamed, oo ka mid ah murashaxiinta u taagan jegada madaxtinimada dalka.

Wakiilada Farmaajo, ayaa soo dhaweeyay codsiga ka soo yeeray Xasan Sheekh, isla-markaana uu Farmaajo diyaar u yahay in uu la kulmo.

Ilo wareedyo, ayaa sheegaya in labada wakiilo ay isla garteen in kulan kale isugu yimaadan maalmaha ina soo aadan, si ay u muddeeyan goorta ay kulmi karayan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Murashax Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliya uu dareen xoogani ka muujiyay olole xoog lihi, oo Magaalada Muqdisho uu ka wado Shariif Sheekh Axmed oo xubin ka ah murashaxiinta u taagan qabashada Xafiiska Madaxtooyada (2017).

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya oo Arbacadii dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, ayaa la kulmay siyaasiyiin caan ka ah dalka, iyadoona uu kala hadlay arrimaha doorashooyinka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, ayaa xaqiijiyaya in Shariif Sheekh Axmed uu damacsan yahay in uu abuuro isbahaysi xoogan, isla-markaana awood u yeelan kara in meesha uu ka saaro rajada Madaxweyne Xasan Sheekh, ee ah in markale uu talada dalka ku soo laabto.

Shariifka oo toddobaadkii hore Saxaafadda kula hadlaayay Magaalada Muqdisho, ayaa si kalsooni ku jirto u sheegay in uu yahay Madaxweynaha xigga.

“Aniga rajada aan ka qabo inaan Madaxweyne noqdo waa 100%. Waan kuu sheegaa Madaxweynaha soo socdo waa aniga, hadaba ku tala gal. Lacagta Xasan Sheekh waa bixiyay, laakiin codka asagu malaha, codka Xildhibaankaa iska leh, Xildhibaankaana bixinaa, waadna arki doontaa Insha’Allah.” Ayuu yiri Shariifka.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Somaliya iyo xertiisa, ayaa bilaabay dagaal ay ku wajahayan olalaha uu Shariifku ka wado Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh u Jeedkiiso yahay in taageero uu ka helo Farmaajo, isagoo qorsheynayo in uu u magacaabo Ra’iisal Wasaaraha xigga, haddii markale loo doorto in uu noqdo Madaxweynaha Somaliya.